Since 1960 – wasiir xigeenka ganacsiga iyo badhasaabka togdheer oo beeniyay in aanay biyo gaadhin oodweyne

Wasiir xigeenka Ganacsiga iyo Badhasaabka Togdheer oo Beeniyay in aanay Biyo Gaadhin Oodweyne

Friday, 04 April 2008

Burco (SN)- Wasiir  ku xigeenka Wasaarada Ganacsiga Mudane C/xaliim Maxamed iyo Badhasaabka gobolka Togdheer  Cabdi Xuseen  Dheere , ayaa  si wada jir ah  u beeniyay war uu faafiyay duqa Oodweyne  oo sheegay  in aanay wax taakulayn  biyood ah  oo gaadhay Oodweyne

Wasiir ku xigeenku  iyo badhasaabka  oo masuul  ka ah gurmadka  taakulaynta Togdheer , waxa ay  sheegeen in ay u qaybiyeen hiyo  136  deegaan oo 36 tuulo ka tirsan yihiin Oodweyne.

Badhasaabku  , waxa uu gaar u xusay in duqa Oodweyne  Maxamed X. Axmed uu ku  sugan yahay Burco   oo aanu wax xidhiidh  ah la lahayn guddida gurmadka  taakulaynta.

Labadan Masuul  waxa  ay intaa ku dareen in   hay’adaha  CCS/Candle Light markii  laysla qorsheeyay  waxa la hayo iyaga loo xil saaray.

Madaxweyne ku xgieenka  ayaa dhawaan markii uu booqahsada ku tegay  Burco gudoonsiiyay guddida taakulaytna gobolka Togdheer  lacag dhan 50,000  oo doollar  oo loogu tallo galay gurmadka biyo  dhaamiska.

Yuusuf Ibraahim Warsame

Burco

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *